Wararka laga helayo magaalada Beledweyne aya asheegaya inuu dagaal ka qarxay duleedka Waqooyi ee magaaladaasi.
Dagaalka ayaa u dhaxeeya Ciidanka Dowladda iyo askar uu watay Sarkaal lagu magacaabo Nuur Dheere oo ka baxsaday magaalada Beledweyne, kadib markii ay isku dhaceen ciidamada maamulka Gobolka oo dagaal ku dhex maray xaafadda Kooshin.
Hub waaweyn ayaa la isku adeegsanayaa dagaalka oo ymid markii isku dhaceen ciidamo loo diray degaanka Qowlad oo waqooyi bari uga beegan Beledweyne iyo askar ka amar qaadata sarkaalka Nuur Dheere.
Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaalka oo geystay qasaare labada dhinac kala gaaray, iyadoo uu saameyn ku yeeshay magaalada Beledweyne oo dad isu soo baxay ay mudaaharaad ka dhigeen.
Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte ayaa amar ku bixiyey in wax laga bedelo amniga magaalada Beledweyne, isagoo sheegay in isaga loola dan lahaa in lagu dilo weerarkii lagu qaaday kolonyo uu la socday.
