Waraka ka imaanaya Gobolka Sool ayaa sheegaya in ciidamada maamullada Somaliland iyo Puntland ay weli ku dagaalmayaan degaanka Tukaraq oo dagaal culus uu shalay ka dhacay ayna ku dhinteen askar ku dhow 40, kuna dhawaacmeen 100 kale.
Dagaalka ayaa la sheegay inuu dib u qarxay xalay saqdii dhexe, iyadoo hubka waaweyn iyo madaafiic la isu adeegsaday, kaasoo dhaliyey qasaare kale oo labada dhianc ah, waxaana dadka degaanka laga soo xigtay inay maqleen hubka noocyadiisa kala duwan oo labada dhinac is weydaasanayaan
Xaaladda ayaa saaka kacsan iyadoo laga cabsi qabo inuu dagaalku dib u bilowdo kadib markii uu istaagay aroornimadii, waxaana labada dhinac ay ciidamo gurmad ah u direen goobaha dagaalka.
Dagaalkii shalay ayaa ahaa kii ugu qasaaraha badnaa ee dhex mara labada dhinac, waxanaa dhaawacyada la kala geeyay isbitaaladda magaalooyinka Garoowe, Hargeysa, Burco iyo Oog.
Taliyihii ciidanka Somaliland ee Tukeraq Maxamed Daa’uud ayaa la sheegay inuu ka mid yahay saraakiisha ku dhintay dagaalka iyadoo ay labada dhinac ka geeriyoodeen saraakiil gaaraya lix.