Monday, June 23, 2025

Dagaal Muqdisho ku dhex maray Ciidamada Imaaraadku tababarray & kuwa Xasilinta ee NISA & Wararkii ugu dambeeyay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa iska hor imaad barqadii maanta magaalada Muqdisho ku dhex maray ciidamada Imaaraadku tababarray iyo NIS ee xasilinta caasimadda.

Dagaalkan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa saameyn ku yeeshay xaafado ka tirsan degmada Hodon, sida Trebuunka, agagaarka Digfeer iyo Warshadda caanaha, waxaana rasaastu gaartay xaafado kala duwan oo ku dhow aaggaasi.

Wararkii ug danbeeyay ayaa sheegay in ciidamada Imaaraadku tababarray ay isgoyska Trebuunka ka eryeen ciidamadii NISA ee xasilinta oo halkasi ku sugnaa, isla markaana sugi jiray ammaanka.

Ad

Xaaladda ayaa kacsan iyadoo aaggaasi ay la wareegeen ciidamada Imaaraadku tababarray, lama oga sababta keenay iska hor imaadka cusub oo loo adeegsaday Gadiidka dagaalka ee tiknikada loo yaqaan.

Rasaasta la is weydaarsaday ayaa la sheegay inay ku dhinteen laba qof, ayna ku dhaawacmeen saddex kale, waxaana weli soo baxaya qasaaraha iska hor imaadkan oo aan la ogeyn waxa sababay.

Arrintan ayaa ku soo beegmeysa iyadoo Madaxweyne Farmaajo ka howlgalo xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga, isla markaana uu taagan yahay khilaaf ka dhashay mooshin taageerayaasha xukuumadda ka wadaan guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari).

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON