Iska hor imaad hubeysan ayaa maanta magaalada Muqdisho ku dhex maray ciidamo ka wada tirsan dowladda Federaalka oo kala ah Booliska iyo milateri.
Dagaalka ayaa ka dhacay degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan inta u dhaxeysa Haanta dheer iyo xerada 77, halkaasoo ay saaka gaareen ciidamo Boolis ah oo wata Cagaf ay doonayeen inay ku burburiyaan guryo sharci darro ah.
Iska hor imaad dhex maray labada dhinac ayaa keenay inuu ku dhaawacmo sarkaal ka mida dadka deganaa goobtaasi, waxaana dadkaasi u badan yihiin dabley beeleed oo sheega inay ka tirsan yihiin milateriga Soomaaliya.
Iska hor imaadka kadib ayaa la sheegay inay ciidamada Booliska dib uga laabteen halkaasi, waxaana isu soo baxay dadkii dhulkaasi deganaa.