Thursday, June 26, 2025

Dagaal u dhaxeeya maamulada Puntland iyo Galmudug oo  ka qarxay magaalada Gaalkacyo

Wararka laga helayo magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya in halkaasi uu saaka ka qarxay dagaal u dhaxeeya ciidamo kala taabacsan labada maamul ee Puntland iyo Galmudug, waxaana gebi ahaanba magaalada ay gashay xaalad dagaal.

Dagaalkan ayaa ka dambeeyay kadib markii maamullka Puntland ay isku dayeen inay wado laami ah ka dhisaan xaafadda Garsoor ee xadka dhaxeeya labada maamul ee magaalada Gaalkacyo ka wada taliya iyo saldhiga ciidamada magaalada, iyadoo jidkaasi ay diidaneyd maamulka Galmudug.

Maleeshiyo ka soo jeeda Galmudug ayaa ka hortagtay ciidamadii Punttand ka socday kadibna wuxuu  dagaalku isu bedelay mid weyn oo labada maamul ay ku lug yeesheen. Rasaas xoog leh ayaa hareysay magaalada kala qeybsan waxaana bilowday inay dadweynaha ka qaxaan goobaha dagaalka.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in isu socodkii magaalada uu joogsaday iyadoo la soo sheegayo qasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo rasaasta la is weydaarsanayo ay dhalisay.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON