Wednesday, June 25, 2025

Dagaal u dhaxeeya Maleeshiyo Beeleed kala taageersan Garabyada Galmudug oo Xeraale ka socda..

Wararka laga helayo Gobolka Galgaduud ayaa sheegay in dagaal beeleed u dhaxeeya maleeshiyo beeleed uu halkaasi ka qarxay, isagoo socda xalay ilaa saaka.

Dagaalka ayaa u dhaxeeeya laba Maleeshiyo beeleed ayaa kala ah maleeshiyada degaanka oo taageersan garabka Galmudug ee fadhigiisu yahay magaalada Cadaado iyo maleeshiyo kale oo sheeganeysa in hore looga barakiciyey degaanka Xeraale oo taageero ka heysata maamulka Ahlun Suna ee Dhuusamareeb, kuna biiray Galmudugta Xaaf.

Dagaalka ayaa geystay qasaare dhimasho iyo dhaawac leh, waxaana kacsan xaaladda iyadoo labada dhinac ay dhowr jeer hore u dagaalameen, waxaana ciidamada weerarka qaaday ay ka tirsan yihiin Maamulkii Ahlusunna ee ku biiray Galmudug, sidoo kalane katirsan Ciidankii bishii June ee sanadkii 2017 weeraray degaanka Xeraale.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON