Sunday, July 6, 2025

Dagaalkii Siyaasadeed Xasan Sheekh iyo Siciid Deni oo gaaray Gobolka Sanaag iyo Xiisad ka taagan

Gobolka Sanaag ayaa galay xaalad cusub, iyadoo ay ka socdaan dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed iyo olole lagu doonayo in degaanada Sanaag ku biiraan maamulka SSC-Khaatumo.

Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa hormuud u ah arrintan, isagoo la sheegay inuu taageero ka heysto dowladda Federaalka, balse waxaaka horjeeda maamulka Siciid C/llaahi Deni ee Puntland.

Xildhibaannada iyo Wasiirada kasoo jeeda degaanadsaasi ee Dowladda Federaalka ayaa taageeraya Qorshaha ay Sanaag iyo Highland ku doonayaan inay ku biiraan Maamulka Khaatumo, si loogu aqoonsado maamul buuxa.

Puntland ku eedeysay dowladda Federaalka inay ciidamo taabacsan ka qoratay degaanadaasi. Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in dhaqdhaqaaqyada socda ay gaareen halkii ugu sareeyay, markii  Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil iyo ciidamo badan oo uu wato ay gaareen degaanka Ceelbuh oo la filayo inuu ka furmo shirweynaha Beesha Warsangeli ee lagu go’aaminayo ku biirista Khaatumo.

Maleeshiyo taabacsan Siciid Deni ayaa lagu eedeeyay inay isku dayeen maanta jidgooyo ay u dhigaan Kolonyada galbineysa Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, taasoo dhalisay dhaawac qof dumar ah.

Iyadoo Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland, C/rashiid Yuusuf uu hadda ku sugan degaanka Ceelbuh, isla markaana uu wato ciidamo xoog le hayaa dhinaca kale waxaa abaabul kale ka wada siyaasiyiinta kasoo jeeda ee xilalka ka haya maamulka Puntland oo dhinacooda wada abaabul ciidan.

Dowladda Federaalka ee Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maamulka Siciid Deni hore uga guuleysatay Arrinta Khaatumo, wuxuuna maamulkaasi  si buuxda hadda u taageeraa qorshaha dowladda Federaalka.

Dhinaca kale Xasan Sheekh iyo Siciid Deni ayaa hadda ku dagaalamaya halkii ay raaci lahayd Beesha Sanaag ee Maakhir, taasoo haddii lagu guuleysto inay raacdo SSC-Khaatumo ka dhigi doonto Puntland maamul dhaawacan oo qabyo ah.

Hogaamiyaha SSC-khaatumo C/qaadir Firdhiye ayaa dhawaan sheegay in  maamulkiisa uu doonayo in uu mideeyo dadka ku nool gobolka Sanaag, si ay Khaatumo ula dhistaan maamul wadajir ah oo ka dhaxeeya.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON