Sunday, July 6, 2025

Dagaalkii Tukaraq ee Ciidamada Somaliland & Puntland oo sii xoogeystay & Madaafiic la adeegsanayo

Dagaalkii saaka ka qarxay degaanka Tukaraq ee Gobolka Sool oo u dhaxeeya ciidamada maamullada Somaliland iyo Puntland ayaa sii xoogeystay iyadoo hub culus la isu adeegsanayo, isla markaana ay gurmadyo heleen labada dhinac.

Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in dagaalka  ka socda degaanka Tukaraq iyo hareerihiisa Gobolka Sool uu sii xoogeystay. Dadka degaanka ayaa sheegay inay maqlayaan Madaafiic xoog leh oo labada dhinac ay isu adeegsanayaan.

Labada dhinac ayaa mid waliba kan kale ku eedeeyay inuu dagaalka soo qaaday, waxaana xaaladda uga sii daray ciidamo gurmad u ah  oo degaankaasi gaaray.

Qasaaraha dagaalka ayaan la ogeyn ilaa iminka iyadoo weli xaaladu kacsan tahay, waxaana laga cabsi qabaa in dagaalku faraha ka baxo iyadoo aanay jirin cid waanwaan ka dhex wada labada maamul.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON