Monday, July 7, 2025

DEGDEG: Alshabaab oo sheegatay inay la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab ku qaadeen degmada Moqokori.

Weerarrada saaka ayaa ka kala dhacay gudaha degmada oo qarax is-miidaamin ah lala beegsaday xarumihii ciidamada iyo degaanka Gumarre oo ilaa shalay uu dagaal qaraar ka socday.

Al-Shabaab ayaa sheegatay inay la wareegtay Degmada Moqokori, kadib weerarro ay ku qaadeen oo lagu dilay 40 askari, sida ay sheegatay Alshabaab oo soo bandhigay dagaalyahanno ka tirsan oo ku sugan xarunta degmada Moqokori.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay mas’uuliyiinta Gobolka Hiiraan iyo dowladda Federaalka, marka laga reebo qoraal warbaahinta dowladda Soomaaliya saaka lagu qoray oo lagu sheegay inay ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka dib u celiyeen weerar ay soo qaadeen Alshabaab, ayna gaarsiiyeen qasaare xoog leh.

Dadka degaanka Moqokori ayaa laga soo xigtay in maleeshiyo ka tirsan Alshabaab lagu arkay aagga Moqokori, isla markaana ay ciidamadii Macawisleyda iyo kuwii dowladda isaga baxeen Moqokori oo hadda ay ku sugan yihiin duleedka magaalada, welina ay socdaan dagaallo goosgoos ah.

Ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay maamulka Hirshabelle iyo dowladda Federaalka oo ku saabsan xaaladda degmada Moqokori oo maalmihii ugu danbeeyay wajaheysay xaalad dagaal.

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON