Monday, June 30, 2025

Alshabaab oo War kasoo saaray Madaafiic lagu weerarray Xerada Xalane ee Magaalada Muqdisho

Kooxda Alshabaab ayaa sheegatay weerar madaafiic ah oo duhurnimadii maanta lagu qaaday xarunta Xalane, degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Warbaahinta Alshabaab ayaa baahisay war kasoo abxay Xarakada Al-Shabaab oo lagu sheegay in guutada Madaafiicda Alshabab ay maanta weerar ku qaadeen Xerada Xalane  oo saldhig u ah ciidamada AMISOM iyo shaqaalaha Q/Midoobay.

Warka Alsahbaab ayaa lagu sheegay in 7 Madfac lagu duqeeyay Xerada, kuwaasoo dhammaantood ku dhacay gudaha Xerada Xalane.

Jugta madaafiicda ayaa laga maqlay degmada Wadajir iyo degaanada ku xeeran, iyadoo aanay weli wax war ah kasoo saarin hay’adaha amniga dowladda iyo AMISOM.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON