Monday, June 23, 2025

DEGDEG: Axmed Madoobe oo la filayo in wareega koowaad Cod Aqlabiyad ah lagu doorto

Iyadoo ay hadda bilaabtay tirinta codadka Wareegga koowaad ee Doorashada ka socota magaalada Kismaayo ayaa la filayaa in madaxweynaha markii saddexaad u sharxan xilka Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam uu ku guuleysan doono wareegga koowaad ee Doorashada, iyadoo ay hadda socoto cod bixinta.

Arrintan ayaa ugu wacan in nidaamka doorashada Jubbaland uu ahaa mid uu isagu maamulay iyo dhammaan guddoonkii Baarlamankii hore oo dib loo wada doortay, iyadoo aanu jirin musharax ciriiri gelin kara oo dadka tartanka kula jira la sheegay inuu intooda badan isaga la yimid.

Xildhibaannada cusub ee Jubbaland ayaa dhammaantood taageersan Madaxweyne Axmed Madoobe oo taariikh ku geli doona in muddo saddex jeer ah aanu wajahin tartan adag, xilkan kusoo laablaabtay maamulka Jubbaland.

Axmed Madoobe ayaa Doorasghadii hore ee 2015 ku guuleystay codad dhan 68 ka mida 74 xildhiban oo codka bixisay, waxaana la tartamay 3 musharax oo kale, waxaa kaloo magaalada Kismaayo ka socda doorasho kale oo musharixiinta mucaaradka ay qabanbaabiyeen.

Beesha caalamka ayaa ka digtay in doorashadan ay qalalaase dhaliso, kadib markii lagu guuleysan waayey inay noqoto mid loo dhan yahay, waxayna dhinacyada is haya ku boorisay inay ka waantoobaan qalalaase iyo gacan k hadal.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON