Thursday, June 26, 2025

DEGDEG: Baarlamaanka Galmudug oo ka noqday Qodobkii ay ku diideen Doorashada Gacantaagga

Waxaa goor dhow Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug ka bilaabatay Doorashada lix Senator oo ka mida Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Waxaa xarunt baarlamaanka Galmudug ku sugan musharixiinta lixda kursi oo dhan 12 musharax, waxaana furay kulanka Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Maxamed Nuur Gacal.

Habraaca Doorashada oo goobta laga akhriyey ayaa lagu sheegay in codeynta Senatoorada Aqalka Sare ay tahay Qarsoodi, isla markaana kursi kasta ay u sharxan yihiin 2 musharax, haddii uu midkood tanaasulana ay codeyntu noqon doonto Gacantaag.

Arrintan ayaa ka dhigan inuu Baarlamaanka Galmudug ka laabtay go’aankii hore ee ahaa in haddii musharax tanaasulo midka soo haray loo qaadi doono cod qarsoodi ah, haddii uu heli waayo codadka 50+1 aqlabiyadda Baarlamaanka dib loogu celin doono Madaxweynaha Galmudug.

Tallaabadan ayaa timid markii cadaadis weyn la saaray guddoonka Baarlamaanka GalMudug, iyadoo xalay oo dhan ay socdeen shirar kala gaara oo arrintan looga horjeedo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON