Thursday, June 26, 2025

DEGDEG: Baarlamaanka Puntland oo riday xukuumadii Puntland ee C/weli Gaas

War laga helayo magaalada Garowe ayaa sheegaya in xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa goor dhaweyd kalsoonidii kala noqdeen, isla markaana rideen xukuumadii maamulkaasi.

Mooshin shalay la keenay Baarlamaanka ayaa cod loo qaaday, waxaana cod aqlabiyad ah xildhibaanadu ku rideen Golihii Xukuumadda Puntland ee madaxweyne C/weli Gaas.

Kulanka oo ay xaadir ahayeen inta badan xildhibaanada Puntland ayaa la sheegay inay dhamaantood gacanta u taagan in la rido Golaha Xukuumadda Puntland. Madaxweynaha Puntland ayaa loogu baaqay inuu soo dhiso xukuumad cusub.

Baarlamanka Puntland ayaa shalay dood ka bilaabayAjande looga hadlayay Amaanka Puntland waxay in ka badan 20 Xildhibaan oo ka hadashay madasha kalfadhiga ku eedeeyeen Xukuumadda Gaas ku fashilantay arrimaha: Dhaqaalaha, Amniga, Daryeelka Ciidamada iyo Qorshe la’aan.

Mooshinkan oo ahaa mid si degdeg ah loo diyaariyay, ayay ku fashilantay xukuumadda Gaas inay joojiso, waana markii ugu horeysay ee Baarlamaanka Puntland uu sidan isugu raaco in kalsoonida lagala laabto xukuumad.

GOOBJOOGE

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON