Thursday, June 26, 2025

DEGDEG: Ciidamada dowladda & AMISOM oo la wareegay degaano ka tirsan Sh/Hoose [Akhriso]

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa la sheegay in weerar culus oo ay saaka qaadeen ay ku qabsadeen degaano ka tirsan Gobolka Shabeelada Hoose.

Howlgal ka dhan ah Alshabaab ayaa saaka ka bilowday Gobolka Shabeelada Hoose iyadoo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Wararkii ugu danbeeyay ee hadda soo dhacay ayaa sheegaya in ciidamada is-kaashanaya ay qabsadeen degaanada Jannaale, Bariire iyo Mubaarak, waxayna ciidamada qarka u saaran yihiin degaanka Awdheegle.

Sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada dowladda weerarkan ayaa kedis ahaa, waxaana saaka bilowday howgal Alshabaab looga xoreynayo degaanada ay ka heystaan Gobolka Shabeelada Hoose.

LA SOCO WIXII SOO KORDHA..

Goobjooge

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON