Tuesday, July 8, 2025

DEGDEG: Ciidamada Dowladda oo gacanta ku dhigay koox Alshabaab ah oo weerar ku soo qaaday

Wararka laga helayo duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ciidamada dowladda ay ka hortagaan weerar ay soo qaadeen koox ka tirsan Alshabaab, isla markaana gacanta lagu dhigay dableydii Alshabaab.

Cidamada milateriga ee ka tirsan Guutada 12-ka April ee Xoogga dalka oo Bar koontarool  ku leh degaanka Calamada ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa ka hortegay weerarka oo ahaa mid gaadmo, waxaana la sheegay inay ciidamada gacanta ku dhigeen koox ka kooban shan dabley ah oo Alshabaab ak tirsan.

Sarkaal ka tirsan qeybta 12-ka April ayaa Warbaahinta dowladda u sheegay inay heleen xog ku saabsan Maleeshiyo dooneysay inay Weerar kusoo qaadaan, wuxuuna sheegay in ciidanka ay qabteen gaarigii Argagaxisada ay wateen oo isu soo ekeysiiyey Gaadiid Safar ah.

Sidoo kale Sarkaalka ayaa intaa ku daray in magaalada Muqdisho loo soo qaaday 5-ta Argagaxiso ee ay kooxda Al-shabaab ka qabteen iyagoo nool.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON