Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ciidamo badan oo ah kuwa ilaalada Madaxtooyada la geeyay xarunta Villa Hargeysa ee la filayo inuu goor dhow ka furmo kulanka Baarlamaanka.
Kulanka maanta ayaa ajendayaashiisa lagu sheegay: Akhrinta 3-aad ee Wax ka badelka Sharciga Waxbarashada Heerka 1aad, 2aad iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya iyo Warbixin ku saabsan Waxqabadkii 100-ka maalmood ee Xukuumadda oo la qeybinayo; laakiin waxay wararku sheegayaan in Ra’iisal wasaaraha uu qorsheystay inuu tago xarunta Baarlamaanka, taasoo ay diidan yihiin xildhibaannada qaarkood.
Ciidamo dhar-cad ah oo ku hubeysan Bistoolado ayaa la dhigay gudaha Baarlamaanka, waxaa kaloo lagu arkay taageerayaal aan ka mid ahayn xildhibaannada, iyadoo dood ka dhalatay imaamsha kulanka ee Ra’iisal wasaare Rooble, kadib la isku afgartay inuusan maanta imaan.
Xildhibaannada ayaa tuhunsan in codsigii muddo kordhinta dowladda ee Madaxweynaha iyo Xukuumadda loo soo dhiibay Ra’iisal wasaaraha xilka sii haya Maxamed Xuseen Rooble, waxaana gudaha Baarlamaanka oo aan weli furmin hadda ka socda xaalad kacsan.
LA SOCO WIXII SOO KORDHA…
