Aqalka Wakiillada Mareykanka ayaa goor dhoweyd bilaabay Doodan xil-kaqaadista madaxweyne Donald Trump oo lagu eedeeyay kicinta rabshado keenay in taageerayaashiisa ay qabsadaan xarunta Koongareeska.
Xubnaha Aqalka Wakiillada oo ay aqlabiyaddiisu leeyihiin Dimoqraadiyiinta aya markii labaad Maxkamadeynaya, iyagoo doonaya inay xilka ka xayuubiyaan Donald Trump, taasoo looga dan leeyahya in ooga hor istaago inuu xil danbe ka qabto Dowlada Mareykanka.
Rabshadishii ka dhacay taageerayaasha Trump ayaa waxaa ku dhinty shan qof oo uu ku jiray askari ka tirsanaa ciidanka ilaalada xarunta Koonagreeska ee Capitol Hill ee magaalada Washington D.C. Dhinaca kale, saddex ilaa toban mudan oo Jamhuuri ah oo ka tirsan Aqalka Wakiillada ayaa la filayaa iny taageeraan in madaxweynaha Trump oo Jamhuuri ah xilka laga qaado.
Mudanayaashan ayaa waxaa ugu caansan, haweeneyda la yiraahdo Liz Cheney oo laga soo doorto gobolka Wyoming. Liz ayaa ah qofka saddexaad ee ugu darajada sareeya xildhibaannada Jamhuuriga u matala Aqalka Wakiillada. Labada kale ayaa kala ah John Katko oo laga soo doorti New York iyo iyo Adam Kinzinger oo ah mudane laga soo doorto gobolka Illinois.
Trump ayaa haddii xilka laga qaado uu noqon doonaa, madaxweynihi ugu horreeyay taariikhda Mareykanka oo laba jeer xil-ka-xayuubin lagu sameeyo.
HOOS KA DAAWO