Tuesday, July 1, 2025

Doorashada Kursi Qalalaase dhaliyey oo ka bilaabatay Magaalada Beledweyne iyo Shan musharax..

Waxaa goor dhow magaalada Beledweyne ka bilaabatay Doorashada kursi qalalaase badan dhaliyey oo ay klu tartamayaan shan murasharax oo midkooda haweeney tahay.

Kursigan HOP004 oo uu hore ugu fadhiyey xildhibaan Maxamed Xasan Qoone oo isaga haray, ayaa waxaa la isku khilaafay in la furayo iyo in kale, waxaana ilaa xalay socday is mari-waaga qabashada doorashada kursigan.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo maanta faragelin ku sameeyay, isna hor taagay qabashada doorashada yaa la sheegay in la qanciyay.

Guddiga Doorashada Hirshabelele ayaa shaaciyey in dib u dhac saacado ah kadib uu goordhow bilaabanayo doorashda Kursiga tursigiisu yahay HOP#004, waxaana ku tartamayaan murashixiinta kala ah:

1- Cabdi Daahir Cismaan : Wasiirkii hore ee Waxbarashada dowladda Federaalka

2- Cabdinasir Xaaji Shirwac Maxamed: Musharax hore madaxweynaha Hirshabelle

3- Bilan Bile Maxamed: Haweeneyda kaliya ee ragga kula tartameysa kursigan

4- Faarax Salaad Dharaar: Aghasimihii hore ee SNTV.

5- iyo Maxamed Maxamuud Cabdulle: Wasiirka Maaliyadda Hirshabelle

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON