Thursday, June 26, 2025

DEGDEG: Golaha Wasiirada xukuumadda Soomaaliya oo shir Degdeg ah caawa la isugu yeeray

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in shir degdega Caawa la isugu yeeray Golaha Wasiirada xukuumadda Soomaaliya.

Shirkan oo uu guddoominayo Ra’iisal wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa goor dhow ka bilaabanaya xafiiska Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, waxaana golaha wasiirada ay iska xaadiriyeen halkaasi.

Lama oga waxa looga hadlayo shirka Caawa sida degdegta ah loogu yeeray golaha Wasiirada, halka wararka qaarkood ay sheegayaan in uu dalbaday Ra’iisal Wasaare Kheyre oo ku sugan dalka Mareykanka.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in shirka oo muddo socday aan wax go’aan ah kasoo bixin.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON