War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in howlgalkii ka dhanka ahaa kooxda Alshabaab uu bilwoday iyadoo dagaal culus uu ka socdo xilligan Gobolka Shabeelada Hoose.
Howlgalka ayaa la sheegay inuu yahay mid dhowaanahan la qabanqaabinayay iyadoo wararka laga helayo Gobolka Sh/Hoose ay sheegayaan in dagaal culus ka qarxay dhowr Aag oo ka tirsan Gobolka sida degaanka Jannaale.
Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Federaalka ayaa weerarkan qaaday, waxaana uu saameyn ku yeelan doonaan degaanada ay gacanta ku heyso kooxda Alshabaab ee Gobolka Shabeelada Hoose.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in ciidamada dowadda iyo kuwa AMISOM ay qabsadeen degaano dhowr ah.
LA SOCO WIXII SOO KORDHA..
Goobjooge