Waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda lagu dhawaaqo isbaheysi siyaasadeed la sheegay inuu noqon doono kii ugu weynaa Soomaaliya ee noociisa ah.
Isbaheysigan ayaa la filayaa in goor dhow looga dhawaaqo magaalada Muqdisho Oo uu shir uga socdo xarunta Xalane madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland, Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Midowga musharixiinta ee ay ka mid yihiin Madaxweynayaashii hore ee Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed.
Xubno ku dhow Madaxweynaha Puntland ayaa goor dhoweyd shaaciyey in isbaheysigan lagu dhawaaqi doono, isla markaana uu noqonayo kii ugu weynaa oo ujeedkiisu yahay in dalka la samata bixiyo xilligan kala guurka ah.
LA SOCO WIXII SOO KORDHA…
