Monday, June 23, 2025

Macalin Max’ud & Sheekh Shaakir oo isu dhiibay ciidamada Dowladda & Xarunta INJI oo lala wareegay…

Wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in ciidamada dowladda ay gudaha u galeen xarunta INJI ee fadhiga u ahayd madaxda Ahlu suna, kadib dagaal socday muddo ku dhow 15 daqiiqo oo xalay ka dhacay halkaasi.

Waxa is barbar socday waanwaan iyo dagaal, iyadoo markii hore xerada kasoo baxay oo ciidamada dowladda isu dhiibay Wasirkii hore ee Amniga Galmudug oo ka tirsanaa madaxda Ahlu suna Saadaq Sheekh Yuusuf iyo xubno sare oo ka mida Ahlu suna sida madixii Amniga xarunta C/llaahi Gureey, waxaa kaloo isla xalay ka baxay xerada Maxamed Shuuke Macalin Cabdi oo ahaa Ku xigeenka Sh Shaakir.

Dagaal ay ciidamada dowladda ku qaadeen xarunta INJI ayaa ayaa keenay in madaxda Ahlu suna ay go’aansadeen inay is dhibaan si loo badbaadiyo, waxaana kadib la galay waanwaan ku soo saabsan sidii ay isu dhiibi lahaayeen madaxda sare ee Ahlu suna.

Ad

Waxaa goor dhoweyd ciidamada dowladda Soomaaliya isu dhiibay hoggaamiyihii Ahlu suna Maxamed Maxamuud iyo Sheekh Maxamed Shaakir oo sheegtay madaxweynaha Galmudug kadib markii ay ciidamada dowladda gudaha u galeen xarunta INJI.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in hoggaamiyaha Ahlu suna Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax uu dalbaday in xabbadda la joojiyo oo ay is dhiibayaan, waxaana arrntaasi waanwaan ka galay taliyaha qeytbta 21aad ee ciidamada Milateriga Soomaaliya Gen. Mascuud Maxamed Warsame.

Dhammaan ciidamadii Ahlu suna ee ka dagaalamayey xarnta INJI iyo hubkooda ayaa waxaa la wareegay ciidamada dowladda Federaalka, iyadoo ay xaalada degan tahay, waxaana sidaasi lagu soo afjaray kooxdii Ahlu suna.

- Advertisement -

Ciidamada dowladda ayaa lagu arkayaa xaruntii INJI ee fadhiga u ahayd Madaxda Ahlu suna oo muddo ku dhow 24 saacadood uu dagaal ka socday, iyadoo ay hadda xaaladu noqotay mid lagu kala baxay.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON