Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa goor dhoweyd ku dhawaaqay inuu ka baxayo heshiiskii Niyukliyeerka ee lala galay dalka Iiraan.
Trump ayaa go’aan la wada sugayay ka jeediyay Aqalka Cad, wuxuuna sheegay inuu isaga baxayo heshiiskaasi, isagoo caddeeyay in heshiiskaasi oo maamulkii Obama uu galay u ahaa mid aad u xun oo aan la aqbali karin.
Trump ayaa sheegay inuu dhowr toddobaad ka war sugayo saaxiibada Mareykanka ee heshiiskaasi ku jira, wuxuuna arrintaasi ku sheegay inuu go’aanka u qaatay danaha dalkiisa dartood.
Go’aanka Trump ayaa yimid iyadoo dalalka Faransiiska, Ingiriiska iyo Jarmalka ay kula taliyeen inuusan ka bixin heshiiska. Waxaana war wadajir ah oo ay soo saareen ay ku sheegeen in tallaabadaasi ay tahay wax laga xumaado.
Dalalka Ruushka iyo Shiinaha ayaa cambaareeyay tallaabada madaxweyne Trump, waxayna ku tilmaameen mid burbur u soo jiideysa Bariga Dhexe.
Iiraan ayaa sidoo kale ka hor timid go’aanka Trump, waxaana madaxweyaha Iiraan Xasan Ruuxaani uu hay’adda u qaabilsan dalkiisa Niyukliyeerka ku amray inay u diyaar garowdo xoojinta barnaamijka hubka Niyukliyeerka.
Dalalka Imaaraadka Carabta iyo Israel ayaa noqday dalkii ugu horeeyay ee taageera go’aanka Trump, waxaa kaloo go’aanka Trump taageeray Sacuudiga.
Madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama ayaa qoraal uu soo saaray si weyn ugu cambaareeyay tallaabada uu qaaday Donald Trump isagoo heshiiska Niyukliyeerka Iiraan ku tilmaamay guushii ugu weyneyd ee ay gaartay diblomaasiyadda Mareykanka.