Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa digniin u diray shirkadaha iyo dalalka shisheeye ee xadgudubka ku haya qaranimada iyo midnimada umadda Soomaaliyeed.
Isagoo ka hadlayay munaasabadda furitaanka kalfadhiga saddexaad ee Baarlamaanka Federaalka ayuu sheegay in dowlada Soomaaliya ka go’an tahay ilaalinta iyo midnimada Qaranka Soomaaliyeed, Soomaaliyana ay diyaar u tahay ganacsi iyo maalgashi.
“Cid kasta oo dooneysa inay maalgashato dalka waa inay ogolaasho ka heshaa hay’adaha dastuuriga ah ee dalka. Waxaan uga digayaa wadamada iyo shirkaddaha shisheeye inaysan ku xadgudbi karin qaranimada iyo midnimada Soomaaliyeed..” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.
“Waa dhab inaan xaalad adag ku jirno, inaan duruufo adag ku jirno, inuu dhaqaalaheena xun yahay, laakiin iyadoo ay intaas jiraaan, haddana Soomaali duruuf kasta oo jirta Soomaalidu waa dad adag oo damiir leh mana aha raqiis..” ayuu khudbadiisa ku yiri madaxweyne Farmaajo oo si weyn oogu sacaba tumay.
Wuxuu intaas ku daray inaan la aqbali doonin hal taako dhulka Soomaaliya ka mida inuu si xun ku baxo, xiriirka dowladaha deriska ahna uu yahay mid ku saleysan iskaashi amniga Gobolka.