Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa goor dhoweyd ka degay magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubadda Hoose.
Wafdiga Farmaajo ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Kismaayo oo xaaladda ammaanka si weyn loo adkeeyay, lana xiray wadooyinka magaaladaasi.
Waxaa madaxweynaha ku wehliya socdaalkiisa magaalada Kismaayo wasiiro iyo xildhibaano dhowr ah, waxaana uu kulamo la qaadan doono madaxda maamulka Jubaland.
Farmaajo ayaa hore u booqday magaalooyinka Baydhaba iyo Cadaado, waana maamulkii saddexaad ee uu booqdo.
Goobjooge