Tuesday, July 1, 2025

DEGDEG: Maxamed Farmaajo oo Caawa khudbad u jeedin doona Shacabka ( Ma is casili doonnaa..?)

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday uu caawa khudbad u jeedin doono shacabka Soomaaliyeed.

“Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa caawa khudbad u jeedin doona shacabka Soomaaliyeed, wuxuu ka warbixin doonaa xaaladihii u dambeeyay ee dalka iyo arrimaha ku aaddan doorashooyinka” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Villa Somalia.

Arrintan ayaa kusoo beegantay go’aanno is daba joog ah oo kasoo baxay Madaxda Maamul Goboleedyada Hirshabelle iyo Galmudug oo ay ku diideen muddo kororsiga uu sameystay Farmaajo iyo Qoraal kasoo baxay Ra’iisal wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble oo loo dhigay sida inuu xilkii kala wareegay Madaxweynaha.

Wararka ayaa sheegaya in Farmaajo uu qaadan doono tallaabo uu uga tanaasulayo muddo kororsiga 2-da sano ahaa ee soco waayey, markii dhinac kasta kasoo xirmay, isagoo u xil saaraya arrimaha Doorashada Ra’iisal wasaaraha, balse aanu xilka ka tegi doonin, inkastoo culeys weyn lagu saarayo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON