Tuesday, July 1, 2025

DEGDEG: Qarax ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb & Wararkii ugu danbeeyay..

War hadda soo dhacay oo laga helay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa sheegaya inuu goor dhoweyd qarax ka dhacay halkaasi.

Qaraxa ayaa ka dhacay Xarunta INJ oo uu ku shaqeeyo madaxda xukuumadda Galmudug, waxaana wararkii ugu horeeyay ay sheegayan in qaraxa uu ka dhacay afka hore ee xaruntaasi, waxaana ka dhashay qasaare dhimasho iyo dhaawac leh.

Wararka ayaa sheegaya inuu qaraxa geystay qof is-miidaamiye ahaa, kaasoo qaraxa ku dhintay, waxaana ku dhaaawacmay 3 qof oo kale oo goobta ka dhowaa, wuxuuna qaraxa ka dhacay kasoo horjeedka xarunta Inh. oo maamulka uu ku shaqeyn jiray.

Ciidamada amniga ayaa gaaray goobta qaraxa ka dhacay, waxaana socda baaritaan, iyadoo xaaladda magaalada Dhuusamareeb ay tahay mid kacsan, kadib qaraxaasi, iyadoo ay tahay markii ugu horeysay oo qarax noocan ah uu ka dhaco muddo dheer.

Waxaa magaalada ku sugan Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Somalia Xasan Cali Kheyre oo warar kala duwan sheegayaan inuu goobta qaraxa ka dhacay uu ku socday.

LA SOCO WIXII SOO KORDHA..

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON