War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in Qarax iyo rasaas culus laga maqlay magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga maamulka Puntand.
Wararkii ugu horeeyay ee ka soo baxa xaaladda magaalada ayaa sheegay in Qaraxyo xoog leh uu ka dhacay saldhiga magaalada Boosaaso, kadibna ay xigtay rasaas culus oo la is weydaarsanayo.
Maleeshiyo ka tirsan Alshabaab ayaa la sheegay inay weerarka ku qaadeen Saldhigga Bartamaha magaalada Boosaaso, iyadoo adeegsaday Bambooyinka gacanta iyo Garneylo, waxaana iska hor imaad uu dhex maray ciidamada ku sugnaa saldhigga.
Kooxda Alshabaab ayaa sheegatay weerarka caawa lagu qaaday saldhiga Booliska Bartamaha ee magaalada Boosaaso, waxaana lagu dhaawacay 3 askari oo uu ku jiro taliye ku xigeenka saldhigga.
Weerarkii Saldhigga Boosaaso oo lagu dhaawacay Taliye ku xigeen & Wararkii ugu danbeeyay