War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in Qarax lala beegsaday Gaariga Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka sida Col Xasan Cali Nuur.
Qaraxa ayaa la sheegay inay waxyeello kasoo gaartay Gaariga uu la socday Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Col.. Shuute oo kasoo laabtay degaanka Ceel-saniini ee Gobolka Sh/hoose oo dhowaan ay weerarreen Alshabaab, waxayna wararku sheegayaan inuu qaraxa ka badbaaday Col. Xasan Cali Nuur Shuute.
Gudoomiyaha Maxkamadda Ciidamadda Qalabka Sidda, Col Xasan Cali Nuur ayaa la sheegay inay wehliyeen Saraakiil kale, wuxuuna qaraxa ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho.
Askar ka mida ilaalada Col. Shuute ayaa ku dhaawacmay qaraxa, waxaana qasaare kasoo gaaray Gaariga uu la socday, iyadoo arintaasi ay ahayd isku day lagu doonayey in lagu khaarijiyo.