Thursday, June 26, 2025

DEGDEG: Qorshe lagu xiri lahaa Wasiir ku xigeenka Arrimaha dibadda oo fashilmay & Taliyaha Booliska oo…

Waxaa soo dhammaaday is mari waa ka dhashay qorshe ciidamada gaarka ah ee Booliska Soomaaliya ku doonayeen inay ku xiraan wasiir ku xigeenka Arrimaha dibadda Soomaaliya, Mukhtaar Mahad Daa’uud kadib markii ay is hortaageen ilaalada xarunta Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo shaqaalaha wasaaradda.

Arrintan oo in muddo ah labada dhinac isku hor fadhiyeen ayaa waxaa markii dambe goobta tegay oo soo farageliyey Taliyaha Booliska Soomaaliya Jen. Bashiir Maxamed Cabdi, iyadoo ciidamadii Booliska lagu qanciyey inay ka tagaan xarunta Wasaaradda mas’uulka ay arrintan quseysana qaab sharci ah loo marayo, taasoo ah in loo yeero wasiirka.

Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda Mukhtaar Mahad Daa’uud ee la doonayay in la xiro ayaa la sheegay in loo heyso arrimo dacwad lacageed iyo kharashka ay wasaaradda soo xareyso oo si gaara loo maamulo halkii Wasaaradda maaaliyadda lagu wareejin lahaa.

DEGDEG: Ciidamo Boolis ah oo qabtay Wasiirku ku xigeenkii Arrimaha dibadda & is hortaag lagu sameeyay

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON