Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa ku dhawaaqay goor dhoweyd inuu bilowday dagaalkii ugu danbeeyay ee Gobolka Tigray.
Saacado kadib markii ay dhammaaday muddadii 72-ka saacadood ahay ee uu Abiy Ahmed u qabtay inay isku dhiibaan Madaxda iyo ciidamada TPLF ayuu ku dhawaaqay inuu bilowday wejigii ugu danbeeyay dagaalka lagu qaadayo Jabhadda TPLF.
Bayaan kasoo baxay Abiy Ahmed ayuu ku yiri: ” Markii ay dhammaaday 72 saacadood ee loo qabtay dembiilayaasha TPLF inay isku dhiibaan si nabad ah. Howlgalka Sharci xoojinta wuxuu galay wejigii ugu danbeeyay”.
Ra’iisal wasaaraha Itoobiya ayaa sheegay in shacabka la badbaadin doono, isla markaana ay is dhiibaan kumanaan dagaalamayaal ah oo ka tirsanaa TPLF.
Abiy Ahmed ayaa diiday dhammaan baaqyadii beesha caalamka ee ahaa in xal iyo wadahadal lagu dhammeeyo xiisada Gobolka Tigray, wuxuuna ku adkeystay inuu dagaalka soo afjarayo.
