Wednesday, July 9, 2025

Ra’iisal wasaare Kheyre oo Shaqadii ka eryay mid ka mida Wasiiradiisa [Waa kuma..?]

War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya uu xilkii ka qaaday wasiir ka tirsan Xukuumadiisa.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyee ayaa xilkii looga qaaday Wasiirkii Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xasan Macallin Xuseen, waxaana lagu sheegay wareegtada in xilkaas uu si KMG ah u sii heyn doono Wasiiru dowlaha Wasaaradaasi Mudane Cabdixakin Xasan Ibraahim Ashkir.

Wasiirka Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa Warbaahinta dowladda ka akhriyay wareegtadda xilka looga qaaday Wasiirkii Awqaafta & Arrimaha Diinta Xasan Macallin Xuseen isagoo xilka hayey in ka yar laba bilood.

Wasiirka ayaa ku howlanaa arrimaha Xajka iyadoo uu muran weyn ka taagnaa xajka sanadkan iyo shirkadaha xujeyda Soomaaliyeed u qaadi lahaa dalka Sacuudia, kadib amarro kasoo wasaaradda Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON