Wednesday, July 9, 2025

DEGDEG: Shabaabkii ugu badnaa oo lagu laayey Weerarkii ay ku qaadeen Baar Sanguni, duleedka Kismaayo

Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Maleeshiyadii ugu badneyd muddooyinkan laga dilay kooxda Alshabaab, kadib weerar ay saaka aroortii ku qaadeen Saldhigga Baar Sanguuni ee ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Jubbaland.

Weerarka ayaa Gaari qarax siday oo lagu furi lahaa la sheegay in la qabtay, kaasoo markii danbe qarxay, kadibna waxaa dagaal toos ah dhex maray labada dhinac iyadoo diyaarado dagaal la sheegay inay duqeyn ku dileen tirada ugu badan ee Alshabaab.

Saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Jubba ayaa sheegay in tirada Shabaabka la dilay ay gaareyso 73, halka warar kale ay sheegayaan in la dilay 64, waxaana dagaal toos ah lagu dilay 9 maleeshiyo oo ka tirsan Alshabab, balse irada ugu badan oo gaaraya 50 ayaa ku dhintay duqeynta diyaaradaha Mareykanka oo dabagal ku sameeyay kooxdii weerarka soo qaaday.

Alshabaab ayaan ka hadlin qasaaraha kasoo gaaray dagaalka ay ku qaadeen Saldhigga Baar Sanguuni ee duleedka magaalada Kismaayo, waxaana lasoo bandhigay Gaariga miineysan ee qaraxyada siday.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON