Golaha Wasiirada xukuumadda Soomaaliya ayaa shirkoodii caadiga ahaa ka socdaa magaalada Muqdisho, iyadoo in muddo ah shirarkooda u baaqdeen arrimo kala duwan, waxaana shirku ku qabsoomayaa aalada ZOOM-ka ee fogaan arraga khadka internet-ka.
Shirka waxa guddoominaya Ra’iisal wasaaraha Xasan Cali Kheyre, waxaana looga hadlayaa ajendayaal kala duwan oo ay ugu muhiimsan tahay xaaladda dalka iyo Doorashada 2020/21 oo muran ka taagan yahay.
Warar ku dhow shirka ayaa sheegaya in Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ay kulankooda kasoo saari doonaan go’aan ku saabsan Doorashada Dalka.

Ra’iisal wasaaraha iyo xukuumaddiisa Soomaaliya ayaan weli caddeyn mowqifkooda ku aadan Doorashada oo ay isku khilaafsan yihiin Madaxweynaha oo kaashanaya Guddoonka Golaha Shacabka iyo Guddiga Doorashada Qaran, halka Guddoonka Aqalka Sare iyo Maamul Goboleedyada ay dhinac kale taagan yihiin.