Wararka laga helayo magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa sheegaya in shirkii madaxda maamul Goboleedyada uu maanta ka furmayo magaalada Garowe.
Shirkan oo marar badan dib u dhacay ayaa lagu wadaa inuu galabta ka furmo magaalada Garowe, iyadoo uu socon doono 20-23-ka bishan Oktoobar, waxaana ka qeyb galaya afar madaxweyne oo kala ah madaxweynayaasha maamullada Puntland, Jubbaland, K/Galbeed iyo Galmudug.
Axmed Madoobe ayaa ah madaxweynihii ugu horeeyay ee gaara magaalada Garowe, waxaana wararku sheegayaan in Golaha Iskaashiga dowlad Goboleedyada laga saaray maamulka Hirshabelle, kadib markii uu madaxweynaha maamulkaasi Maxamed Cabdi Waare oo ahaa Guddoomiye ku xigeenka Golahaasi uu la heshiiyay dowladda Soomaaliya.
Sawirrada shirka Garowe ee Golaha maamul Goboleedyada ayaa waxaa ka muuqda afarta madaxweyne ee Puntland, Galmudug, K/Galbeed iyo Jubbaland.