Sunday, July 13, 2025

DEGDEG: Taliyeyaashii Ciidamada Booliska iyo Nabadsugidda Sooomaaliya oo xilalkii laga qaaday

War hadda soo dhacay ayaa sheegay in Golaha Wasiirada xukuumadda Soomaaliya ay xilalkii ka qaadeen taliyeyaasha ciidamada Nabadsugidda iyo Booliska Soomaaliyeed.

Shir degdeg ah oo u socd Golaha Wasiirada ayaa lagu ansixiyay xil ka qaadista Taliyihii Booliiska Soomaaliya C/Xakiin Daahir  Saacid iyo Agaasimaha Hay’adda Nabadsugida C/llaahi Maxamed Sanbloolshe.

Waxaa xil ka qaadistooda Golaha u soo jeediyay Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow, iyadoo Golaha Wasiirada ay ku raaceen xil ka qaadista oo jawaab u ahayd qaraxyo waaweyn iyo fashil amni oo ka dhacay caasimadda bishan Oktoobar.

Weli lama shaacin ciddda lagu bedelay labada taliye ee ugu sareeyay hay’adaha ammaanka gudaha.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON