Dowladda Soomaaliya ayaa ka digay Gaari Qaraxyo sida oo ku jira magaalada Muqdisho, sida ay shaacisay Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya.
Shirkii Golaha Wasiirada ee xukuumadda Soomaaliya oo goor dhoweyd soo idlaaday ayaa la sheegay in wasaaradda Amniga ay ku wargelisay golaha Wasiirada xog ku saabsan Gaari qaraxyo saaran yihiin oo loo ekeysiiyay Baabuurta mid ka mida Shirkadaha Adeegga ee magaalada Muqdisho inuu caasimadda ku dhex jiro.
Shacabka magaalada ayaa looga digey inay fejignaadaan oo wixii ay ka shakiyaan ku soo wargeliyaan ciidamada amniga, iyadoo uu shir jaraa’id arrintan ka sheegay wasiir ku xigeenka Warfaafinta Soomaaliya C/raxmaan Iidaan Yoonis.