Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka hadlay xaaladda Amniga Guud ee Puntland, kadib qarixii maanta lagu dilay Guddoomiyihii Gobolka Mudug Axmed Muuse Nuur oo maanta lagu dilay qarax ka dhacay magaalada Gaalkacayo.
Madaxweyne Deni ayaa tacsi u diray guddoomiyihii Gobolka Mudug, wuxuuna sheegay inuu aad uga xun yahay falkii labaad ee lagu dilo Guddoomiye Gobol ka tirsan Puntland, wuxuuna farriimo u kala diray dadka Puntland iyo Beesha Caalamka.
Wuxuu sheegay inay hayaan raadad badan iyo dadkii ku lugta lahaa dilkii hore ee Guddoomiyaha Nugaal, mar dhowna la arki doono iyadoo la tooganayo, loona aargudi doono mas’uuliyiinta la dilay.
Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in Puntland uu ku socdo dagaal wejiyo badan leh, sida uu yiri, wuxuuna ku eedeeyay Dowladaha taageera Soomaaliya inaysan wax taagero milateri ah siinin Puntland, ayna aad uga xun yihiin inay dowladaha dhinaca amniga ka taageera Soomaaliya aysan Puntland ka helin tababar ciidan, qalabeyn iyo is garabtaag midna.
“Waxaan maalin waliba maqalanaa Dalalka Soomaalida saaxiibada la ah iyo Hay’adaha ku howlan Amniga inay malaayiin Doolar ku bixiyaan amniga, taasoo inta badan ay ku bixyaan degaanada Koonfurta Soomaaliya oo amni darradu kusii siyaadeyso..” ayuu yiri madaxweyne Siciid C/llaahi Deni.
Wuxuu sheegay inuu dhowaan ka hadli doono arrimo badan oo lagu doonayo in lagu wiiqo Puntland iyo Federaalnimada Soomaaliya.
