Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni oo xaflad ka dhacday xalay Magaalada Garowe uga dhawaaqay inuu mar kale u taagan yahay xilka Madaxtinimada Puntland ee Doorashada 8 Janaayo 2024.
Siciid Deni ayaa Qodobka ugu weyn ee uu doorashada ku gelayo ka dhigay Diidmada Qorshaha madaxweynaha dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud oo ay saaxiibo hore u ahaayeen, balse ku kala tageen arrimo gaara.
Wuxuu khudbadiisa si weyn ugu weerarray Dowladda Federaalka iyo Musharax aanu magacaabin oo uu sheegay inuu yahay “Nacamleeye” ay Puntland u soo dirsatay si uu madaxweyne uga noqdo.
“Madaxweyne Xasan Sheekh hadduu yiri loo joojin maayo (Dastuurka); Adigane laguu joojin maayo ogow, Haddii uu ka shaqeynayo mid nacamle ah inuu halkan u soo dirsado, haddee dadkaan dad uu yaqaano maaha wali waxbaa ugu dhiman dadka reer Puntland” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.
Wuxuu soo hadal qaday Qorshaha Wax ka bedelka Dastuurka KMG ah ee federaalka, isagoo uga digay Baarlamaanka 11aad labadiisa aqal inay aad uga fiirsadaan go’aanada ku saabsan wax ka bedelka Dastuurka.
Siciid Deni ayaa ka mid ahaa Wasiiradii dowladii Xasan Sheekh Maxamuud ee 2012-2017, wuxuuna isbaheysi la lahaa Xasan Sheekh Doorashadii 2022, balse waxay ku kala tageen Dano gaara, taasoo keenay in Puntland xiriirka u jarto dowladda Xasan Sheekh hoggaamiyo xilligan.
Waxaa la rumeysan yahay inuu Madaxweyne Xasan Sheekh ka shaqeynayo sidii xilka loo dhaafin lahaa Siciid Deni, isagoo taageeraya wasiirkii Arrimaha dibadda dowladda Federaalka Abshir Cumar Huruuse oo ka mida musharixiinta la tartami doona Siciid Deni.