Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa qaadacay ka qeybgalka shirkii madaxda dowlad Goboleedyada iyo dowladda Federaalka ee uu dhowaan ku baaqay Madaxweyne Farmaajo.
Deni oo magaalada Gaalkacyo uga qeybgalay xalay Munaasabadda Xuska Sanad guurada 60-aad ee Xoriyadda iyo Midowga Soomaaliyeed ayaa sheegay inuu u hoggaansamayo go’aanadii kasoo baxay Baarlamaanka maamulkaasi ee ku saabsanaa inaysan Puntland qeyb ka noqon arrimaha Soomaaliya, kana baaqsato shirka Muqdisho ee Madaxweyne Farmaajo ku baaqay.
“Waxaan ugu baaqaya Madaxwaynaha dowladda Federaalka inuusan boor isku qarin oo si xun wax ku doonin, dadka isku dirin, iskana hor keenin shacabka walaalaha ah..” ayuu yiri Madaxweyne Deni oo ka digay inay Soomaaliya ku socoto meel halis ah oo hoggaanka hadda jira uu ku wado.
Wuxuu sheegay inay tahay inaysan dadkaku ku kedsoomin indho sarcaad kasta oo dib loogu noqonayo wixii ay Soomaalida hore uga soo gudubtay sida uu yiri.
“Ifafalaaha socdo waxaa moodaa in la baab’inayo Aqalkii Sare, in la baabi’inayo Federaalka, in la maroorsanayo taladii dalka, waa u yara egtahay wixii dimoqraadiyadii Soomaaliya 1969 lagu maja xaabiyay, dadka Soomaaliyeed dib dambe aysan ugu dhicin qalad” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa Beesha `caalamka ugu baaqay inay qeyb ka noqdaan sidii dalka loogu badbaadin lahaa halista ay ku socoto.