Tuesday, June 24, 2025

DEGDEG: Qarax is-miidaamin ah oo lagu qaaday Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya & Wararkii ugu danbeeyay

Wararka laga helayo degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose ayaa sheegay in weerar is-miidaamin  ah lagu qaaday Gawaari kolonyo ah oo ay la socdeen ciidamada dowladda.

Gawaaridan ayaa marayay halka Baar Ismaaciil ee duleedka magaalada Afgooye, waxaana qaraxa oo ahaa Gaari uu waday ruux is-miidaamiyey lagu dhuftay mid ka mida baabuurta ay la socdeen ciidamada oo ka yimid xerada Ballidoogle ee Gobolka SH/hoose oo ay degan yihiin ciidamada ay tababarraan Mareykanka.

Qasaaraha badan ayaa la sheegay inuu ka dhashay weerarka is-miidaaminta ah, waxayna kooxda Alshabaab sheegtay inay qaraxa ku dishay 12 askari, iyo burbur Gaari Cabdibille ah oo ka mida ahaa gadiidka ciidamadu wateen.

Alshabaab aya sheegtay inay ciidamdaasi ahaayeen kuwa loo yaqaan Bangaraaf, ayna qasaare xoog leh gaarsiiyeen. Ma jiro wax war ah oo weli kasoo baxay dhinaca dowladda Soomaaliya.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Soomaaliya ayaa sheegay in qasaaraha uu yahay qof ku dhaawacmay

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON