Wednesday, June 25, 2025

Dhaawaca Guddoomiyaha G/Banadir oo loo duuliyey Dalka Qatar & Wararkii ugu danbeeyay…

Dhaawaca Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cismaan ayaa goor dhoweyd loo duuliyey dalka Qatar, iyadoo diyaarad caafimaad oo milateri ka qaaday garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Diyaaradda ayaa ahayd diyaarad weyn oo milateri oo caafimaad ahaan u qalabeysan, waxaana ka sokow guddoomiye Yariisow lagu qaaday 10 xubnood oo kale oo ka mida maamulka Gobolka Banaadir oo iyaguna dhaawacyo culus kasoo gaaray qarixii ka dhacay xarunta Gobolka Banaadir.

Xaaladda Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ahayd mid culus ayey xalay ilaa maanta la tacaalayeen dhaqaatiirta Soomaalida, waxaana dhaawacyo kasoo gaareen Madaxda iyo Caloosha, qaliin looga sameeyay caloosha ayaa najaxay, laakiin waxay xaaladiisu ahayd mid culus oo koomo uu ku jiray.

Sida laga soo xigtay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Somalia dhaawacyada ayaa lagu dabiibi doonaan dalka Isbitaallo ku yaalla magaalada Doha ee dalka Qatar.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON