Wednesday, June 25, 2025

DHAGEYSO: Afhayeenka Alshabaab oo hanjabaad cusub kasoo saaray Qaraxyadii Gaalkacyo

Afhayeenka guud ee Alshabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) ayaa ka hadlay qaraxyadii ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, isagoo ku hanjabay inay sii socon doonaan.

Sheekh Cali Dheere  ayaa wareysi uu siiyay Warbaahinta Alshabaab taabacsan ku sheegay in weerarradii shalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo ay fuliyeen dagaalyahano istish-haadiyiin ah sida u yiri, ayna ku laayeen in ka badan 50 Askari.

Maamulka Puntland ayuu sheegay inay yihiin “Murtadiin iyo Gacmo-gaalo” loona beegsaday gacansaarka ay  la leeyihiin dowladda Itoobiya, iyo fulinta danaha iyo Masaalixda Xabashida.

Wuxuu kaloo Afhayeenka Alshabaab sheegay in weerarkii Madaafiicda ee  lagu qaaday Xarunta Wasaaradda Gaadiidka magaaldada Muqdisho uu qeyb ka ahaa howl-gallada joogtada ah ee Alshabaab.

DHAGEYSO AFHAYEENKA CALI DHEERE

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON