Saturday, June 28, 2025

DHAGEYSO Cali C/llaahi Cosoble: “Shirkii Imaaraadka loogama hadlin cidda madaxweyne ka noqoneysa Somaaliya…”

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle ayaa dib ugu laabtay magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle, wuxuuna shir jaraa’id oo uu ku qabtay uga hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin safarkiisii Imaaraadka Carabta.

Cali C/llaahi Cosoble ayaa sheegay inay safarka u wehliyeen madaxda maamulada dalka, wuxuuna Imaaraadka Carabta ku amaanay  inay yihiin dal diyaar u ah inay garab istaagaan dadka Soomaaliyeed ee walaalahood ah.

Wuxuu sheegay in laga hadlay xasiloonida iyo horumarinta, laakiin ay jireen arrimo ku saabsan xaaladda kala guurka ah.. “Waxaan maqlayaa arrimo ku saabsan cidda madaxweyne u noqoneysa Soomaaliya, waa dayaacad,  waxbana kama jiraan, mana jirin qaab arrimahaas looga hadli karo, waxay ahayd arrimo horumarin ayaa looga hadlay, waxaan kaloo uga faa’iideysanay in looga hadlo  dagaalada Gaalkacyo ku soo noqnoqday, heshiisna lagu gaaro” ayuu yiri madaxweynaha Hirshabeelle.

Wuxuu beeniyay warar la faafiyay ee ku saabsan cidda madaxweyne ka noqoneysa Soomaaliya, isagoo ku tilmaamay inay tahay dacaayad la faafiyay, oo kaliya looga hadlay arrimaha horumarinta ayna uga faa’iideysteen dhinacooda sidii wax loogu qaban lahaa maamulka cusub ee Hirshabeelle.

Cali C/llaahi Cosoble ayaa sheegay inuu degdeg ugu soo laabtay Jowhar oo shaqo adag ay u taallay , gaar ahaan arrimaha doorashada Aqalka sare iyo Baarlamaanka aqalkiisa hoose, wuxuuna sheegay inuu la kulmay guddiga doorashada iyo odayaasha dhaqanka, isla markaana la dhameystiray oo doorashada Aqalka sare ay soo hormari doonto.

HALKAN KA DHAGEYSO CODKA MADAXWEYNAHA HIRSHABEELLE

Hirshabeelle.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON