Friday, April 19, 2024

WAR CUSUB: Ergada Beesha Xawaadle ee dooraneysa xildhibaanada Aqalka Hoose oo la isku heysto

Wararka laga helayo magaalooyinka Beledweyne iyo Jowhar ayaa sheegaya in muran ka taagan yahay ergada Beesha Xawaadle ee dooraneysa xildhibaanada Aqalka hoose.

Guud ahaan ergada Beesha Xawaadle ee dooraneysa xildhibaanada aqalka hoose ayaa tiradoodu dhan tahay 408 ergay, waxaana hore u gudbiyay odayaasha dhaqanka  iyo guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan.

Dadaal uu wado madaxweynaha cusub ee Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble iyo siyaasiyiin dano ka leh in ergada isbedel lagu sameeyo ayaa keenay muran ku saabsan ergada oo guddiyada doorashada heer gobol iyo federaal ay diidan yihiin in dib loo celiyo.

Ad

Ujeedada dib u celinta ergada ayaa lagu sheegay in lagu doonayo isbedel lagu sameeyo, taasoo guddiyada doorasahda ay cabsi ka qabaan inay dib u dhac iyo is qabsi hor leh ku keento  doorashada dib u dhacday ee labada aqal.

Ugaaska Beesha Xawaadle Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo diiday inuu tago magaalada Jowhar ayaa taageersan ergadii hore waxaase jira culeys ay saarayaan siyaasiyiinta u sharxan xildhibaanada aqalka hoose oo olole ugu jiro wax ka bedelka ergada.

Isha: Hirshabeelle.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON