Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ioo maanta gaaray Magaalada Garoowe ayaa ka hadlay ujeedada socdaalka uu ku marayo degaanada Puntland.
Madaxweynaha ayaa sheegay inuu si weyn ugu farxay sida loo soo dhoweeyay magaalada Garowe, isagoo sheegay inuu soo daahay muddooyinkii hore uu doonayey inuu tago degaanada Puntland.
Wuxuu sheegay inuu mari doono degaanada Puntland, isla markaana uu marid doono magaalooyin dhowr ah, lana kulmi doono dadka kala duwan ee degaanada Puntland.
DHAGEYSO