Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta Xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga kulan kula yeeshay taliyeyaasha Ciidamada xoogga dalka ayaa ka hadlay tallaabadii ay Dowladda Mareykanka ku hakisay taageeradii ciidamada Somalia.
Khudbad uu ka jeediyay xarunta Wasaaradda ayuu Saraakiisha Ciidamada u sheegay arrimo kala duwan isagoo jawaab ka bixiyey go’aanka Mareykanka, wuxuuna caddeeyay in dowladda Soomaaliya ay ku dadaaleyso inaysan hakad gelin, waxaan saameyn ahna arrintaas ku yeelan ciidamada.
“Dowladu wax alle wixii karaankeeda ah waa inaan keeno, haddii ay noqoto mushaar ama Saad, waa inaan isku tashano..” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo oo intaas ku daray in waqtigiisa inta badan uu siin doono ciidamada.
DHAGEYSO