Wednesday, June 25, 2025

DHAGEYSO: Senator C/raxmaan Faroole oo Weerar siyaasadeedkii ugu weynaa ku qaaday C/weli Gaas

Madaxweynihii Hore ee Puntland, ahna  Senator ka tirsan Aqalka sare ee Baarlamaanka Somalia Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxmuud Faroole ayaa weerar siyaasadeed ku qaaday madaxweynaha xilka uga danbeeyay ee C/weli Maxamed Cali Gaas.

Isagoo ka hadlayu shir jaraa’id oo ku saabsan xiisadda colaadeed ee maamulka Puntland iyo Somaliland ayaa u adeegsaday inuu ku weeraro C/weli Gaas isagoo canbaareeyay hadakii kasoo yeeray Gaas ee ku saasbanaa colaadda ka taagan aagga Tukaraq.

Faroole ayaa C/weli hadaladdiisa ku tilmaamay ku xanaf leh, wuxuuna sheegay inuusan dagaal waxba ka gelin oo uu hore uga dhuuntay dagaalkii ay Puntland la gashay Shabaabkii ku soo duulay degaanada xeebaha Puntland, kadibna uu diiday inuu yimaado intii dagaalka socday oo mar danbe isku sawir ugu laabta Puntland.

Wuxuu ku baaqay in colaadda la joojiyo oo Somaliland ay ciidamadeeda kala baxdo Tukaraq, wuxuuna iska dhigay oday labada dhinac u dhaxeeya oo go’aanka ugu danbeeya iska leh.

DHAGEYSO FAROOLE

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON