Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Qarax Gaari uu ka dhacay degmada Hodon ee magaalada Muqdisho.
Qaraxa ayaa ahaa mid lagu xiray gaariga dhaqtarka oo u dhashay dalka Siiriya, isagoo ka howlgalayey isbitaalka Muqdisho City ee magaalada Muqdisho, wuxuuna qarax qabsaday gaariga xilli isaga iyo qof ilaalo u ah ay kasoo laabteen goob jirdhis ah iyagoo maraya agagaarka madaxtooyadii C/qaasim, xaafadda Taleex ee degmada Hodon.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in Dhaqtarka uu dhaawac culus kasoo gaaray qaraxa, xaaladiisuna ay tahay mid adag, isagoo ku waayay lug iyo gacan, waxaana xaaladiisa lagula tacaalayaa Isbitaalka uu ka howlgalayey ee Muqdisho City.
Warar kale ayaa sheegaya in qaraxa uu waxyeelo u geystay laba dhaqtar oo midkood uu yahay Suuriyaanka ay xaaladiisu culus tahay, iyadoo Bam loogu xiray Gaarigooda.