Friday, July 4, 2025

Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay howlgal ciidamada Booliska ku qaadeen xaafad ku taalla Magaalada Hargeysa

Wararka laga helayo magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in dad shacab ah lagu dilay magaaladaasi, kadib markii ay ciidamada Booliska rasaas ku fureen.

Ciidamada Booliska magaalada Hargeysa ayaa rasaas ku furay dad deganaa xaafadda isu rarranta ah ee Qurac-dheer magaalada Hargeysa oo diiday inay ka guuraan halkaasi markii ciidamada dowladda hoose ay howlgal kula jarmaadeen lagu furayo wadooyinka xaafadaasi oo ay dhowaan ay daadad ku qaadeen laba caruur ah.

Waxaa la xaqiijiyey inuu qof ku dhintay rasaastaasi, iyadoo dhowr kale ay ku dhaawacmeen, waxaana dadka dhaawacmay ka mida ku xigeenka Duqa Magaalada Hargeysa C/casiis Maxamed Xaashi.

Madaxweynaha Somaliland ayaa amar ku bixiyay in dadka laga raro goobaha biyo xireenada ah ee magaalada Hargeysa.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON